Welcome, Guest
You have to register before you can post on our site.

Username
  

Password
  





Search Forums

(Advanced Search)

Forum Statistics
» Members: 70
» Latest member: admp6677
» Forum threads: 119
» Forum posts: 152

Full Statistics

Online Users
There are currently 23 online users.
» 0 Member(s) | 23 Guest(s)

Latest Threads
B.Tech Admission in Banga...
Forum: General Jokes
Last Post: admp6677
08-10-2018, 11:02 AM
» Replies: 0
» Views: 139
ENGINEERING ADMISSIONS IN...
Forum: General Jokes
Last Post: admp6677
08-10-2018, 11:01 AM
» Replies: 0
» Views: 60
Pandora earrings Slip Ser...
Forum: Somali Forums
Last Post: tyhjmkiu
08-09-2018, 08:08 AM
» Replies: 0
» Views: 23
Pandora Disney processed ...
Forum: Somali Forums
Last Post: tyhjmkiu
08-09-2018, 08:02 AM
» Replies: 0
» Views: 15
Nike Air VaporMax Assortm...
Forum: Somali Forums
Last Post: tyhjmkiu
08-09-2018, 07:56 AM
» Replies: 0
» Views: 12
nike 97 silver bullet man...
Forum: Somali Forums
Last Post: tyhjmkiu
08-09-2018, 07:47 AM
» Replies: 0
» Views: 12
adidas dragon rich hues
Forum: Somali Forums
Last Post: tyhjmkiu
08-09-2018, 07:38 AM
» Replies: 0
» Views: 15
nike air force 1 high Tra...
Forum: Somali Forums
Last Post: rfgnhju
08-09-2018, 05:48 AM
» Replies: 0
» Views: 10
Air Jordan diversified ty...
Forum: Somali Forums
Last Post: rfgnhju
08-09-2018, 04:03 AM
» Replies: 0
» Views: 13
Pandora special design
Forum: Somali Forums
Last Post: rfgnhju
08-09-2018, 03:53 AM
» Replies: 0
» Views: 10

 
  Masiibada maandooriyaha qaadka q5aad
Posted by: macoow - 04-06-2017, 09:18 PM - Forum: Maandooriyaha qaadka - No Replies

Ka dib markii ay iska caddaatay Qaadku in uu yahay aabaha dhammaan fitnooyinka,aafooyinkiisuna waxay noqdeen kuwo aan tiro lahayn.
Sidaan hore uga soo hadalnay,maadaama Qaadku uu nafta isticmaasha u horseedo waxyaabo badan oo xumaan ah,waxaan Qormadan ku soo qaadanaynaa Qisadan:-

Wuxuu yidhi ka dib markii aanu maalin dhan calooshayada ku guraynay caleen daroogo ah,si xidhiidh ahna aanu ugu labaynaynay walxaha la nuugo ee sunta ka sameysan(tobacco) ayaanu goor habeenimo ah ka soo baxnay xabsigii aanu maalinta dhan ku jirnay,anagoo ilkahayaga qoryo ku qod qodayna ayaanu dibada uga soo baxnay ayuu yidhi meeshii aanu wakhtigaygii,tacabkayagii iyo tamartayadii maalintaas ku dhamaysanay. 

Iyadoo ay hadaba caadadiisa tahay qofka isticmaala Qaadku in uu ku sifoobo mid waxkasta oo xumaan ah aan ka gabban ayay u sii dheer tahay saacadaha ay maadooyinka ka dhasha isticmaalka daroogadani jidhkiisa ku sii jiraan. 

Waa saacadaha ay ku sheegaan(marqaanka amma waalida) saacadahaas ayuu si inta badan isku mid ah dadka isticmaalaa u noqdaan kuwo siyaabo kala duwan ugu fikira waxyaabo xumaan iyo fawaaxish ah sababtan darteed ayayna dadka aqoonta caafimaadka leh ku sheegaan in uu qofku noqonayo mid hammi shahweed qayruxad ah uu ku wareego. 

Ninkani wuxuu yidhi maadaama aanu marqaansanayn anagoo laba ah,waxaanu is waydiinay halkee ayaynu ka helli karnaa dumar aan baahideena shahweed ula tango(wal ciyaadu billaah) maahan arrintu markaas niman xaasas leh amma ka fekeraya xaaraam iyo xalaal!.

Ka dibna anagoo meel waddo ah taagan oo fiir fiirinayna bal in ay dariiqa soo maraan wax dumar ah ayaan markaliya halacsanay ayuu yidhi  laba dumar ah oo si aad u qurxoon u lebisan marka ay agtayada marayaana waxaaba na soo gaadhay udgoonka cadarkooda iwm.

Halkii ayaanu dhinaca ka raacnay illaa aanu gaadhnay markii ay jidka laamida ah ka weecdeen.. markii aanu soo gaadhnay gabdhaha ayuu yidhi ninkii ay arrintani ku dhacday anigu waxaan ku hagaagay labadii gabdhood midkood. 

Waan iska salaamay anigoo si hawl yaraan ah ugu sii dhowaanaya ayuu yidhi, bacdayna gabadhihii wayba is taageen,gabadhii aan goonida u wada taagnayn ayaana warkan 

I siisay ayuu yidhi ; waxay tidhi  wiilyahow war nabad ah lagu sii,anigu waxaan ahay gabadh aroosad ah gurigaygiina waa kan hortaada ka muuqda,gabadhana waa saaxiibaday oo ila socotay,sababtii aanu guriga uga soo baxnayna waxay ahayd in aanu sii yara dhowayno gabdho na soo booqday oo aan halka baska laga raaco sii gaadhsiinay,sidaas awgeed adigoo iska raali ah xaaladaydu waa sidaas wiilkaas iyo gabadhaasna iyagaa wada hadlaya ee iska raali noqo aniguna gurigayga ayaan gallayaaye sidaas iyo nabadeey wuxuu yidhi; 

markii ay intaas ii sheegtay gabadhu markiiba waan ku qancay,laakiin kii kale ee ila socday ayaa meel inyar ii jirta gabadhii kale la taagan aniguna weli gabadhii Aroosada ahayd waan ag taaganahay laakiin kuwaas kale ayaan sugayaa: halkaa markay arrintu marayso oo aan iskaba sii dhaqaaqayo ayaa waxa dhacay :- Koox culimo ah kana shaqeeya WANAAG FARISTA IYO XUMAAN REEBISTA ayaa habeenkii roondayn jirtay oo xaafadaha dhexdooda mari jiray si ay dadka meelahaas xumaanta ku sameynaya wax uga qabtaan,wuxuu yidhi Kooxdii oo ciidan booliis ah wadata ayaa si kedis ah meeshii aanu taagnayn ugu soo laabay;

markii aan arkay in ay yihiin Culimadii ee aan gartayna waxaan isku dayay ayuu yidhi; in aan cararo oo aan baxsado laakiin markiiba way I qabteen ayuu yidhi!! Aniga iyo gabadhii Aroosada ahayd ee aan dariiqa ka soo raacay ayayna katiinad nagu wada xidheen ayuu yidhi!!: kii kale ee ila socdayna markuu arkay in gacanta la igu dhigay ayuu isna baxsaday gabadhii uu la taagnaa ayaase la qabtay ayuu yidhi 

Culimadan iyo ciidankan la socdaa maadaama ay gacanta ku soo dhigeen dad dariiq isla taagan markiiba waxay geeyaan saldhig booliis si xukunkooda loogu qaado marka la baadho ka dib. Iyada oo aan wax hadal ah la ila galin ayaana khasab gaadhi yar la igu saaray ayuu yidhi iyadoo gabadhiina gacantayda loogu xidhay katiinad! 

Hasa ahaatee gabadhii oohin iyo qaylo ayay miciinsatay ayuu yidhi iyadoo baroor xadka ka baxsan kor ugu qaylinays waar ninkan ma garanayo,waar ha I ceebaynina,waar dariiqa ayaan iska marayay,waar wax danbi ah maan sameyne nimanku iyagaa na soo doontay iyo hadallo la mid ah,.

Intii aan weli na la gayn saldhiga ayaan wajigiisa gartay ayuu leeyahay ninkani mid askartii ka na waday ka maad adigu Ilaahay ka yaabtid markaad gabadh ajnebi oo gurigeedii ku socota daba ordaysay!!oo miyuu is ogaaba… al xaasil nin wayn oo ka mid ahaa askartii ayaa arrintii woxogaa hoos ugu kuur gallay ka dibna rumaystay sida ay xaaladu ahayd,ka dibna labadii gabdhood halkii ayaa lagu sii daayay anigana saldhiga ayaa la igu xidhay subaxnimadiina waxa la igu daray ayuu yidhi;Koox kale oo sidan oo kale loo soo qabtay waxaanan mutaystay ayuu yidhi;ganaax iyo xabsi dhan 45 cisho!!!!..

mid ah. Markaas baan ku muusanaabay oo ku calaacalay;waar gabadhu waa aroosad gurigeedii ayay ku socotay anigaa doontay iyadoo dariiqa iska maraysa,waar Ilaahay ka yaaba oo fadlan gabadha iska sii daaya aniga halkaad doontaan I geeyoo.;

WQ:Maxamed M. Cabdi(Haykal)
maxamed@khadijahome.com
Xigasho : khadijahome.com

Print this item

  Masiibada maandooriyaha qaadka q4aad
Posted by: macoow - 04-06-2017, 09:09 PM - Forum: Maandooriyaha qaadka - No Replies

Sidaan qaybtii sedexaad kaga soo hadalnay,Maan-dooriyaha qaadku wuxuu ka yeelaa qofka caadaysta sidii Adoon isaga u xidhan oo kale. Sababtaas ayaana ah ta had iyo goor ka dhigtay qofka caadaysta Geedkaas mid dunida oo dhan ka dambeeya dhinac kasta marka nolosha laga eego.

In uu damiirka halleeyo marka laga yimaado waxa uu si la mid ah qofka ka qaadaa anshaxa iyo hab-dhaqanka wanaagsan idil ahaantiisba. Waxaana cadaata markaa qofku in uu noqonayo mid lunsan oo bilaa dareen,bilaa naxariis iyo bilaa masuuliyad ah.
Tan ayaana ah ta inta badan ay salka ku hayso Mushkilada baaxada leh ee Burburka Qoysas badan oo Soomaaliyeed.

Sidiisaba Aabaha maadaama laga rabo in uu qaado kaalintiisa hogaamineed ee Qoyska Muslimka ah,wax la yaab leh ayay noqonaysaa marka laga hello calaamadahan aynu ka hadlayno in uu Aabuhu ku sifoobo,halkaas ayayna ku dhimanaysaa Aabonimadii iyo masuuliyadii uu u hayay Qoyska oo saldhig u ah nolosha Mujtamaca.

Haduu hadaba Burburka ku yimaado Qoys ka mid ah Bulshada,burburkaasi wuxuu xaqiijinayaa naafanimo
iyo khasaare ku yimid Mustaqbal dad dhan oo nasiibku baday in ay noqdaan kuwa oo xaquuqdii ay lahaayeen duudsiyay Maan-dooriyaha Qaadku(waa se doorka uu ka yeelay qofnimadiisa kii cunay Qaadka) kaas ayaana hubaal ah in uu yahay kan markasta khasaaraya(ka qayilaya kuna dhex jira mawjadaha mooganaanta iyo dib u socoshada ah).

Isku xidhka guud ee saameynta uu nolosha jiritaanka Bulshada ku leeyahay qaadku waxay caddaynaysaa,wax badan oo la yaraysanayay waxyeelada geedkaasi in ay maanta ka dhigtay magaciisa wax iska caadi ah,halka khasaarihiisana aan ku qiyaasi karno kan ugu daran ee haysta dadka Soomaaliyeed maanta. 

Sababtuna waxay tahay,maadaama laga horumaro maskaxda,cilmiga iyo baraarugsanaanta,geedkana waxa uu noqday ka dumiyay baabi iyayna wax kasta oo ay dheefi lahaayeen inta uu meel ka soo gallo noloshooda guud,sidaas ayuuna ku noqday kii sababay silica iyo curyaanimada dalkeena sidaas awgeed, dhammaan dadka Soomaaliyeed ayay tahay in ay indhaha u kala furaan kuna arkaan waxyeelada aan xadka lahayn ee uu u gaystay dadka 

Geedkani,waxaana hubaal ah hadii sida uu hadda xaalku yahay uun lagu sii socdo in la arki doono waxyaabo ka waynaada qiyaasta ay cabirto Maskaxda Bani aadamka oo ka dhasha isticmaalka Maan-dooriyahan dhibta badan.

waxa hadda soo badanaysa tirade dadka Isticmaala Qaadka,wuxuu sidoo kale ku sii dhex fidayaa unugyada Bulshada oo dhan,dhowaanahan waxa dadka badankiisu (wadanka gudihiisa marka laga hadlayo) ay ka war qabaan in uu noqday furaha iyo isku duwaha dhammaan fitnooyinka Ummada ka dhex jira. 

Sida danbiyada kala duwan,zinada,dhaqan xumada iyo dhammaan fawaaxishta. Dumarka Soomaaliyeed oo ku tilmaaman ka sokow Muslimnimada kuwo dhaqan ahaan iyo anshax ahaan aad u dhawrsoon ayaa hadda la sheegaa in tiro sii kordhaysa oo ka mid ah ay isticmaalaan qaadka.

Qiso gaaban oo kooxdayadii u guur gallaysay dhibaatooyinka qaadka uu nooga sheekeeyay nin ayaa waxay ahayd:-
Iyadoo ninka reerka ka masuulka ah uu yahay nin Qaadku uu qaatay ayay ugu sii darsan tahay dayacnaan iyo dulli ku yimaada caruurtiisii iyo xaaskiisii. 

Sababtuna waxay ahayd markii uu noqday hogaankii reerku kan lagaga daydo amma dabeecadiisa laga barto maadada isticmaalista caleenta darooga ayay caruurtiisuna sidoo kale qaateen dhaqankiisii oo waxay noqdeen kuwa u dhaqma sida uu aabahood u dhaqmo,ayaan-darrada ka sii darrana waxay noqotay markii islaantii reerkuna sidaas oo kale si badheedha ah u isticmaashay Qaadkii Qoyska Qarribay. 

Maalin ayayna si caddaan ah gurigeeda iskugu yeedhay dumar iyaguna sidaas oo kale isticmaala qaadka,isla galabnimadii ayuuna ka war hellay arrinta ninkii odayga ahaa,wuxuuna u qaadan waayay talaabadan yaabka leh ee islaantiisu ku dhaqaaqday. 

Wuxuuna u tegay ehelkeedii oo uu ku yidhi  islaantii way waalatay waxayna ku kacday arrinta caynkaas ah markii iyadiii loo yimid ee ay ehelkeedii waraysteena waxay ku jawaabtay  isagu(odaygu) beri hore ayuu waashay waalidiisana intaas oo sano ayaan u dulqaadanayaye muxuu tayda ula yaabayaa hadda?!!!!

WQ:Maxamed M. Cabdi(Haykal)
maxamed@khadijahome.com
Xigasho : khadijahome.com

Print this item

  Masiibada maandooriyaha qaadka q3aad
Posted by: macoow - 04-06-2017, 09:05 PM - Forum: Maandooriyaha qaadka - No Replies

Bismillaah
Assalaamu caleykum wa raxma tullaahi wa barakaatuh
Mahad idilkeed waxay u sugnaatay Allah(subxaanahu wa tacaalaa) naxariis iyo amaan korkiisa ha ahaato 
Nebiyunaa Muxamad,ehelkiisa iyo azxaabtiisa dhammaan.

Allah dhammaan nafaha iyo arlooyinka Muslimiinta ha xifdiyo,Adoomihiisa Muslimiinta ahna ha ku arzuqo arzsaaq xalaal ah.

Hadaan ka sii warrano dhibaatada Qaadka,waxyaabaha dhaawaca nafsaaniga ah kugu ridaya waxa ka mid ah markaad si buuxda ugu kuur-gasho waxa ka dhasha caadaysiga iyo isticmaalka joogtada ah ee Geedkan. Illaahay (suxaanahu wa tacaalaa) fadligiisa waxa ka mid ah in uu Basharka ku galladaystay Nicmooyin fara badan,waxaana ka mid ah; caqliga,cilmiga iyo garashada uu kaga duwan yahay mukhluuqaadka kale.

Hadii ay dhacdo hadaba in uu Basharku ku guul-daraysto in uu caqliga uu Illaahay siiyay u adeegsado wadada wanaagsan,taasi waxay ku tusaysaa in uu ku guula-daraysanayo waxa uu yahay guud ahaantiis. Damiirku waa shayga haga nafta ee u kala saara xumaha iyo samaha,garashaduna waa tusmada caqli ee uu qofku dhaqankiisa gaarka ah ku maaraysto acmaashiisa iyo wax-qabadkiisa.
Hadii uu damiirku kaa lumo sidee ayaad noqon lahayd ?
Hadii aad miyirkaaga gacantaada ku dooriso ma is leedahay waxaad noqon kartaa qof noloshiisu qiimo yeelanayso?

Jawaabta su’aalahani waxay ku leedahay dadnimadaadu waxay ka kooban tahay Iimaankaaga iyo caqligaaga hadii aad awoodi waydo in aad ahaato mid ka baydhsan xumaha waxaad ahaanaysaa mid aan Iimaan lahayn(wal ciyaadu billaah) hadii aad caafimaadkaaga ka yeesho cudurna waxaad ahaanaysaa mid dullaysan oo khasaaray.

Damiirka qofkuna wuxuu u yahay ilayska uu mugdiga kaga gaashaanto.
Wax aad looga naxo loogana murugoodo waxa ah, qofka isagoo Allah(subxaanahu tacaalaa) sharaf u yeelay ka yeelay mid caqli leh,wax garta oo mudan in uu wax u ahaado naftiisa,diintiisa iyo dadkiisa,midka wadada leexsan mara ee isagoo miyir qaba doona in uu miyir beello,caqli beello oo caafimaad beello ugu dambayntana wax kasta beello hadday tahay;nolol,anshax, dhaqan iyo garashaba.

Si aan hadaba u iftiimino waxyaabo ka mid ah caddaymaha muujinaya in uu Qaadku dadka ka kexeeyo naxariista,caqliga iyo dareenka wanaagsan aan tusaale u soo qaato Qisadan oo uu nooga waramay kii naftiisu ku kacday:

wuxuu yidhi maadaama aan ahaa nin Muruq-maal ah(xoogiisa ku shaqaysta) waxaan inta badan nolosha qoyskayga ku maarayn jiray hadba wixii aan soo xoogsado(anigoo dabcan u nool in aan sidoo kale Qaad balwad ka dhigto). Wuxuu yidhi  markii aan in muddo ah bilaa camal ahaa maalin maalmaha ka mid ah waxa I soo war-galiyay mid saaxiibaday ka mid ah,isagoo ii sheegay in ay banaan tahay fursad shaqo taas oo ah Dhisme guri la dhisayo.

Wuxuu yidhi  markii aan habeenimadii gurigayga ku soo hoyday may jirin haba yaraatee wax la cuno oo habeenkaas gurigayga yaallay,caruurtayda iyo xaaskayguna waxay ahaayeen kuwa aniga wax iga suga. Aniguna waxaan maalintii oo dhan wakhtigayga ku qaatay aqal yar oo cooshad ah halkaas oo ay gabadh ku iibinaysay Qaad gadaashiisana ay gabadh kale ku iibinaysay shaah iyo sigaar,markii aanu halkaas ku qayilaynayna waxaanu ahayn niman ku faraxsan nasiibkooda oo Illaahay baa deeq lehe aan waayin wax ay naftooda ku maaweeliyaan(wax ay maskaxdooda uga dhigaan farxad iyo maaweelo).. 

wuxuu yidhi ka dib markii aanu qayilnay,qaxwaynee dheregnay ayaan gurigayga la imid Marqaan! Anigoo illowsan waxa ay ubadkayga iyo xaaskaygu ku sugan yihiin ayaan iska soo gallay,markii aan wax yar guriga joogay jawiga guudna ka arkay in uuna mooraalka xaaskaygu fiicnayn ayaan ugu horreyn ugu bushaareeyay in aan shaqo soo hellay oo maalinka berri ah haduu Allah idmo aan shaqo tagi doono,sidaas awgeed waxaan xaaskayga u sheegay in ay wakhti hore I toosiso(maadaama aanan caawa hurdo caafimaad helayn illeen waan qayilaye) waxaan ku adkeeyay ayuu yidhi xaaska in ay salaada hore I kiciso iina diyaariso quraac.

Markii waagu beryayna intay goor hore kacday ayay u tagtay dukaan ay macaamil la lahayd iyadoo u ka codsatay in uu amaahiyo dukaan-luhu wixii ay ku diyaarin lahayd quraacdayda si aan guriga uga baxo oo aan u shaqo tago,waxayna ugu balan-qaaday ninkii dukaanka lahaa in odaygu shaqo tagayo ay isla caawaba haduu Allah idmo u keeni doonto lacagtiisa(marka uu ninka reerku waxa uu soo shaqaysto reerkiisa u keeno).

Markii aan kacay ee aan aaday goobtii shaqada ayaan hore ka gallay shaqadii banaanayd oo ahayd kuulli amma shaqada gacanta ee qofka dhismaha ka shaqaynaya. Markii ay dhammaatay shaqo-maalmeedkii waxa aan u tagay azxaabtaydii(azxaabtii qaadka) oo maadaama intii aan bilaa camalka ahaa ay iyagu qaadka ii qaadi jireen aniguna abaalkooda ma illaawine laba saaxiibaday ah ayaan maalintaas qaadka u qaaday,shaah tobacco iyo wax la mid ahna lacagtooda ayaan bixiyay. 

Wuxuu yidhi si fiican ayaan maalintii iskaga qayilay anigoo ku xasilay saacadihii marqaanka ee aan fadhiyay buulkii/cooshadii aan caleenta ku cuni jiray,wakhtigu wuxuu sii socdaba waxa la gaadhay goor habeenimo ah,ka dibna waxaan is idhi meesha aad iskaga tagtid oo aad gurigaagii tagtid, markii aan dhamaystay caleentii aan cunayay ayaan jeebkayga xisaabiyay mise lacagtii aan maanta shaqaystay waxay ku baxday: qaadkaygii,shaxaadkii saaxiibaday iyo wixii qaadka la raacinayay hal shilin oo ii soo baaqi noqdayna ma jirin!!!

Halkaa markay xaajo marayso ayaan xasuustay ayuu yidhi  xaaladii aan reerkayga saaka kaga soo kallahay,waxa markaas uun xasuusdayda ku soo duxday ayuu yidhi,baahidii gurigayga taallay,ballantii amaahda ee ay xaaskaygu dukaanka wax kaga soo qaaday iyo waxa ay caawa ku sugan yihiin.. 

waxba isma dhibine wan iska soo socday ayuu yidhi,markii aan guriga soo gallayna waxaan muujiyay ayuu yidhi sidii nin niyad jabsan oo xaalada gurigiisa ka xun,markii aan waxyar guriga ku sugnaa ayaan xaaskaygii canaantay ayuu yidhi!!! Waxaan ku canaantay ayuu yidhi  saaka waad I lug-goysay waxaan xalay ku idhi goor hore I toosi adna goor wixiiba lagu kala tagay oo shaqadiiba dhamaatay ayaad I kicisay maanta oo dhanna waxaan ahaa nin raadanaya wax aan reerka u keeno laakiin..

WQ:Maxamed M. Cabdi(Haykal)
maxamed@khadijahome.com
Xigasho : khadijahome.com

Print this item

  Masiibada maandooriyaha qaadka q2aad
Posted by: macoow - 04-06-2017, 08:57 PM - Forum: Maandooriyaha qaadka - No Replies

Bismillaah
Assalaamu caleykum wa raxma tullaahi wa barakaatuh
Mahad idilkeed waxay u sugnaatay Allah(subxaanahu wa tacaalaa) naxariis iyo amaan korkiisa ha ahaato
Nebiyunaa Muxamad,ehelkiisa iyo azxaabtiisa dhammaan.
Allah dhammaan nafaha iyo arlooyinka Muslimiinta ha xifdiyo,Adoomihiisa Muslimiinta ahna ha ku arzuqo arzsaaq xalaal ah.
Waxaan ka hadlaynaa duliga iyo xumaanta uu leeyahay isticmaalka Qaadka oo ah shay sida ay culimada Islaamku sheegeen Xaaraam ah.!
Waxay yidhaahdeen culimadu,shan shay haduu dhib leeyahay shay,waxa uu xukumkiisu noqonayaa xaaraam,shayga laga hello shantaas shay saameyn xun oo uu ku leeyahay midkiiba ayay dheheen Culimadu.

1-Haduu wax-yeelayo caafimaadka qofka
2-Haduu wax-yeelayo sharafta qofka
3-Haduu wax-yeelayo dhaqaalaha qofka
4-Haduu wax-yeelayo wakhtiga qofka
5-Haduu wax-yeelayo diinta(cibaadada qofka)

Shantaas shayba waxa marag-ma-doon ah in uu si toos ah u taabanayo waxyeelaydiisu!!. Tanina waa caddaynta ugu sahlan diiniyan in uu yahay shay isticmaalkiisu aanu banaanayn.
Intaas hadaan halkaas kaga gudbo.

Waxaynu sii wadaynaa in aan sharaxno waxyaabaha mucjisooyinka ah ee uu sababo Qaadku.
Waxyaabaha la-yaabka leh waxa ka mid ah,sida ay noo sheegeen dadkii wakhtiga dheer isticmaalayay qaadku,qofku marka uu dhexdada ka jiro cunista Qaadka wuxuu dareemaa mawjado kala macno ah oo maskaxdiisa ku soo butaaca,waxay yidhaahdeen,marxaladaha qaar in ay qofka cunaya qaadka u yihiin nashaad,firfircooni saaid ah iyo dareen farxadeed oo qofka ka dhiga mid raaxaysanaya isla mar ahaantaana hawada nolosha is-macaashiinaya.

Waxay leeyihiin marxaladani waa ta ugu baaxada wayn marka la eego mawjadaha waalida ah ee uu qofku dabaalanayo wakhtiga uu Qaadka cunayo waxa ay ku tilmaamaan(marqaanka) sidaas darteed marxaladan ayaa ah ta ay ugu jecelyihiin hawaawigooda,waa marxallada qofku uu mala-awaalayo boqolaal fikrado iyo barnaamijyo ah oo dhammaantood bilaa xikmad ah,waa wakhtiga uu qofku ku mashquulsan yahay dhisida iyo isku toostoosinta qorshayaashiisa ma-dhalayska ah ee Marqaanku sababo,waa marxalad uu qofku is moodayo in uu yahay Qani awood u leh fulinta iyo ka midha-dhalinta waxa uu ka dhex arko waalidiisa(marqaankiisa)

Waa halkii uu Abwaan Abshir Bacadle lahaa: Faqiir Qani is moodoo qayila qaadow adigaa leh,boqolaal qorshoo wada qabyo ah qaadow adigaa leh
Aan hadaba dib ugu noqdee,sidaan qaybtii hore kaga soo hadalnay,Qaadku wuxuu sababaa waali ! waaliduna sida aynu ognahay waa shay dabiici ah oo Allah qadarkeeda leeyahay,waa shay ka mid ah calaamaadka muujinaya awoodaha Illaaha waaxidka ah,Allaha abuuray shay kasta oo shayga uu doono doorin kara,maanka iyo maskaxda insaankana ka yeelli kara midka aynu ku sheegno WAALIDA.
Hadaba tani waa waalida sanaaciga ah ee dadku intay lacagtooda ku soo gataan ku dooriyaan maankooda!.
Maan-dooriyaha Qaadkuna wuxuu ka mid yahay waxa maanka dooriya kuwa ugu xun xun ee qofka ka kexeeya dareenka saxda ah, anshaxa suuban iyo xasuusta toosan.

Aan tusaale u soo qaato dhacdadan kale: ninkan ayaa wuxuu yidhi:
ka dib markii aan saacado fara badan ku qayilayay meel ay ku qayilayeen kuwa sidayda oo kale caleenta cuna,ayaan soo kacay si aan gurigayga u soo aado,gaadhigayga markii aan soo dhaqaajiyay ayaan dareemay woxogaa kulayl iyo huur ah oo igu soo siyaadaya, maadaama oo wakhtigu madaw iska ahaa waxaan go’aansaday in aan shaatiga ama shaadhka la yara baxo oo aan garankayga kaliya iska sii xidhnaado ilaa inta aan guriga ka gaadhayo,shaadhkaygiina waxaan saaray kursiga iga dambeeya,ka dib waxaan soo gaadhay Geerashkii aan gaadhiga ku xeraysanayay,markaan gaadhigii dhigay geerashka si deg deg ah ayaan uga soo degay ismana aan dareemin in ay wax iga maqan yihiine si toos ah ayaan gurigaygii u soo aaday,markii aan guriga soo galayna waxaan markiiba hore ka galay qolka fadhiga oo markaas aanay cidina joogin, halkii ayaan dabadeed is idhi woxogaa caleen ah oo aan markii hore gacanta ku sitay ku cun, inyar markii aan fadhiyay ayaan hadana dareemay in uu jiro kulayl wali I haya.

Waxaan ka dibna is idhi maadaama aanay cidina kula joogin si nafis ah aad iskaga fadhiisatide surwaalka iska saar,surwaalkii ayaan soo dhigtay ayuu yidhi qolkayga jiifka waan soo laabtay,weli kulaylkii wuu I taabanayaa markaas ayaan is idhi surwaalka yar ee hoosena maad iska saartid,kiina waan iska saaray ayuu yidhi,ka dibna ma kicine halkii aan fadhiyay meel hoosteeda ah ayaan surwaalkii yaraa een hoosta ka xidhnaa ku qariyay ayuu yidhi anigoo islahaa marka aad caleentaada dhamaysatid aad sii qaadatid mise isna halkii ayaan ku ilaaway ayuu yidhi.

Subaxnimadii markii aan damcay in aan baxo kuna labisto dharkaygii aan xalay katabaanka saaray ayaan aragtidii koowaadba waayay shaadhkaygii ayuu yidhi,ka dibna waxaan is idhi shortigii aan hoos ka xidhnaa mise isna ma yaallo! Xaaskayga ayaan waydiiyay ayuu yidhi cidda noo soo gashay ee qaadatay shaadhkaygii iyo nigiskaygii!!…..

WQ:Maxamed M. Cabdi(Haykal)
maxamed@khadijahome.com
Xigasho : khadijahome.com

Print this item

  Masiibada maandooriyaha qaadka q1aad
Posted by: macoow - 04-06-2017, 08:54 PM - Forum: Maandooriyaha qaadka - No Replies

Bismillaah,
assalaamu caleykum wa raxma tullaahi wa barakaatuh.
Allah (subxaanahu wa tacaalaa) ayaa mahad idilkeed leh,naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato Nabi 
Muxamed,Ehelkiisa iyo Azxaabtiisa dhammaan,Allah dhammaan nafaha iyo arlooyinka Umadda Islaamka ha ilaaliyo oo ha xifdiyo Allah Adoomihiisa Muslimiinta dhammaantood wadada xaq ah ha ku sugo hana ku arzuqo Arzaaq xalaal ah.

Masiibada Maan-dooriyaha Qaadka.Q-1-aad
(Muuqaalka hore iyo mucjisooyinka hoose).
Dadku waxa la yidhi wixii ay in badan arkaan haba xumaadee waxaasiye, hadii aanu ahayn wax xumaantiisa si wada jir ah looga soo horjeedo ama aan  isku si loo arkayn,shaygaasi markuu dadka agtooda iyo indhahooda ama dhegahooda ku bato waxay ugu dambaynta u arkaan wax iska caadi ah oo aan la yaab lahayn.

Layaab,xumaan amma dhibaato nooca uu doonaba ha lahaadee kol hadii aanay jirin cid sheegaysa wax faa iido ah oo uu kani leeyahay amma ugu yaraan la isku waafaqsan yahay in uu yahay wax nolosha iyo anshaxeedaba meel-ka-dhac ku ah,waxa uu u baahan yahay in si buuxda looga digo si faahfaahsana loogana warramo waxyaabaha ku hoos jira

Inkastoo ay dad badani ka hadleen marar kala duwana ka warameen wax-yeellada Qaadka iyo dhibaatooyinka guud ahaaneed uu leeyahay,hadana waxa jira xaqiiqooyin iyo dhacdooyin qarsoon oo qiyaastii hadii laga waramo cibro-qaadasho u noqonaya dad badan oo ay ka qorsoonyihiin intaanan hadaba u galin dhacdooyinkaas bal horta aan is waydiino:-

Qaadku waa maxay?
Qaadku waa Geed ka baxa dhulal kala duwan,waana Geed muuqaalkiisu u eegyahay cagaar-hurdi mararka qaarna cagaar-doog u eeg,waana geed inta badan ka baxa Wadamada bariga Africa qaar ka mid ah,Yemen iyo meello kale sida Afghanistan sida la sheego.Waxa laga yaabaa hadaad aragto Qaadka bidhaantiisa oo kaliya,in ay horta kuugu filan tahay foolxumadiisa,waana shay aan arag lahayn oo aan indhaha u roonayn.
waxa sugan, ishu waxa ay aragto amma qabato ayaa dareen galiya nafta Aadamaha,aragtida koowaad ee isha ayaana dareenkaas u gudbisa Maskaxda,laakiin ka soo qaad markaad aragto Qaadka,aragtida aad ka qaadato ma u malaynaysaa in ay dareeen galinayso qalbigaaga ?hadiiba ay dareen kugu abuurto dareen noocee ah ayay ku galinaysaa?

jawaabtaas oo kooban waxay tahay: MAYA,aragtida koowaad ee ay indhahaagu qabtaan muuqaalka Geedkani waxay ku galinaysaa xasuus yar oo laga yaabo in aad xasuusato qaar ka mid ah geedaha dhulkeena ka baxa caleemahadooda oo la isku xidhxidhay miyaa!!

Dareenkaasina maaha mid ay maskaxdaadu u guuxayso oo kuu sii ogolaanaya in aad sii jeclaato iyo in aad sii fiiriso sababtoo ah macquul maaha in ay xoolaha iyo Bani-aadamku isku si u daaqaan dhirta iyo caleemaha ku yaalla,kaba sii darane xooluhu waxay intifaacsadaan dhirta nacfiga leh ee aan dhibta naftooda u keenahayne kani waa caleenta cagaaran ee sumaysan,daliilka arrintanina waxa weeye xoolahaba uma aynaan ogolaaneen in ay daaqaan dhir miyirkooda iyo naftooda wax yeelaysa sidaas darteed raali ma ka noqon karnaa geed nafta Insaanka ku ridaya waalli,dawakhaad,miyir-doorsoon iyo masiibooyin calculus?. Taasna waa MAYA.

Waxyar aan ka sharraxo
Qofka iibiya ama ka ganacsada waxa la yidhaahdaa: QAADLE qofka sii kala iibiyana waxa la yidhaahdaa MUQAWAD qofka isticmaalana waxa la yidhaahdaa MUQAYIL wixii intaas ka sii hooseeyaana way ka sii liitaan magac ahaan,macno ahaan iyo meeqaan ahaanba.

Si aan uga gudubno hadaba wajiga koowaad ee ka hadalka Shaygan,bal aan isku dayo in aan soo gudbiyo dhacdooyinka hoose ee ka dambeeya muuqaalka sare ee Qaadka,marka laga yimaado magaciisa iyo isticmaalkiisa.. waxaan wax yar isku dayayaa in aan idiinka sheekeeyo Mucjisooyin iyo maha-dhooyin ay nooga warameen qaar ka mid ah dadka isticmaala Qaadku, anagoo dhawr dhaliyaro ah ka kooban ayaan isla qaadanay in aan xog ka soo ururino waxyaabaha la yaabka leh uu sababo Qaadku.

Culimada caafimaadku waxay sheegeen Qaadka in ay jiraan maadooyin kiimikaad oo qaarkood halis galiyaan habka wareega dhiiga,neerfaha,habka dheef-shiidka iyo saameyn xooggan oo ay ku yeeshaan xididada maskaxda. Maadada inta badan la sheego in ay sababto waxa ay ku sheegaan MARQAAN(waalli) ayaa lagu sheegaa in ay tahay ta loo yaqaano (Cathinon).. hadaba marka la marqaamo maxaa la dareemaa amma qofku siduu noqdaa?

Aan tusaale u soo qaato nin kan oo yidhi waan shaqaynayay isla mar ahaantaana waan qayilayay,ka dibna anigoo marqaansan ayaan kacay oo aan doonay in aan aado xamaam(public toilet) wuxuu yidhi markii aan albaabka ka soo galay xamaamka indhahaygu waxay qabanayeen dad badan oo meesha ku sugan,anigoo marqaankii isku mashquulsan maskaxdayduna kala shaandhaynayso mashquul iyo waxyaabo badan oo isku mar ku kulmay ayaan doonay ayuu yidhi in aan gallo xamaamka ama suuliga,intii aanan galin marka aan marayo ayuu yidhi meeshii biyaha aan ka qaadan lahaa ayaa waxa dhacday aniga oo aan is ogayn ayaan markaliya arkay ayuu yidhi dadkii meesha ku sugnaa oo ila yaaban!! Ka dib ayaan hoos isku fiiriyay mise waaban is qaawiyay oo halkii aan biyaha ka qaadan lahaa ayaan surwaalkii aan xidhnaa ku bixiyay banaanka!!  u fiirso halkan,mawjadihii iska hor imanaye ee mashquulka ahaa ayaa dareenkiisii ka dhigay mid iskala garanla waxa uu sameynayo.

Markaan hadaba tan u fiirsano waxa sababta u ah waxa weeye;Marqaanka oo ah nooc waali oo kale ah,kaas oo qofka ku ridaya in uu mashquullo maskaxdiisuna soo dayso hormones xawli ah oo khal khal ku ridaya miyirka qofka daciifinayana dareenkiisa.

Waxaan haduu Allah ogolaado soo qaadan doonaa dhacdooyin qaarkood aad loola yaabayo,kuwa qosol ah iyo qaar murugo ah,kuwaas oo aan dhammaantood ka soo xiganay dad ay si toos ah ugu dheceen waxa sababayna uu ahaa QAADKA.

WQ:Maxamed M. Cabdi(Haykal)
maxamed@khadijahome.com
Xigasho maqaalkan iyo kuwoo kale khadiijahome.com

Print this item

  Robert collette aristide
Posted by: baafe - 04-06-2017, 12:40 AM - Forum: Somali Musicians - Replies (5)

Diinleeya the italian singer
Robert collette aristide
in Somalia people use to call his name Robert cavelette which is wrong.

Roberto was born in Bologna
and he was DJ musician and singer in the local bars in roma 1971 to 1977
He had Somali wife and 2 children's Unfortunately after
tragic accident his Somali wife and his two children's died car crash in padua outside Basilica di Sant'Antonio the main road when their car stopped at the traffic light skip driver lost control in ice road.

But his wife died instantly in the crush and one child and the second child died 6 days after.
Robert recovered from that ordeal he was in hospital view weeks


Roberto suffered depression for almost 2 years before moving to Spain and then 8 months after to Somalia  
unfortunately Roberto he died for heart attack after overdose medication.
however the autopsy revealed Roberto's death was suicidal of overdose.
However some people make rumours about his death caused by AIDS which is not true
Roberto left good memory to the Somali community the song called diinleeya
The reason of this song was Roberto wife was from beydabo and grow up in janale Somalia and she spoke Maaymaay
and he chooses to sing for her in Maaymaay.
Here is the full clip




Original source
bbmonde

Print this item

  ahlul sunnah on jubbaland
Posted by: Martin - 04-03-2017, 12:45 PM - Forum: About islam - No Replies

Ururka Ahlu Suna Oo Sheegay in ay ka Soo Horjeedaan Hadii Anaan Laga Qaybgalin Maamul u Samaynta Gobalada Jubooyinka

Muqdisho (RBC Radio) Saraakiil ka tirsan ururka Ahlu Suna ee gobalka Gedo ayaa sheegay in ay ka soo horeedaan maamul loo sameeyo Jubooyinka hadii aanan laga qaybgalin dhismaha maamulkaasi.
Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo ah ka mid ah saraakiisha Ahlu Suna ee gobalka Gedo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay doonayaan in laga qaybgali maamul u samaynta gobaladaan.
Wuxuu sheegay in hadii Ahlu Sunaiyo shacabka Soomaaliyeed talo laga weeydiin waaye islamarkaana aan lagala tashan loo baahan yahay cidii socon siin laheyd maamulkaasi.
Sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahanyahay in maamulkaan aanan shqsiyaad gaar ah laga talo galin laakiin ay haboontahay inta talada ku leh inay ka fikiraan.
Isaga oo ka hadlaye qorshahooda ku aadan gobalada koonfureed ee dalka Soomaaliya ururka Ahlu suna ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in dhawaan ay qorsheynayaan inay weeraraan gobalada ay Shabaab kaga sugan yihiin koonfurta.
Hadalkaan ka soo yeeray sargaalkaan ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa wuxuu ku soo adayaa xili dhowaan lagu wado in maamul loo sameeyo gobaladaan jubooyinka kaasi oo haatanba qorshiisu uu socdo.

ahlul sunnah is against kenyans clear aggression against the locals population of kismaayo by bringing shesheeye/ lackeys who have nothing to do with kismaayo.

Print this item

  Kaalaya ila arag Jannada
Posted by: Martin - 04-03-2017, 12:42 PM - Forum: About islam - No Replies

Kaalaya ila arag Jannada.

Sidaan wada maqallay, Jannadu waa meel aad u cajiib ah, oo Allah iyo Nabiggiisu ay aad noogo sifeeyeen, maanta bal isla fiirinno, Jannada sifaadkeeda iyo quruxdeeda:

Waxaan meeshaan ku soo koobeynaa macnaha xadiithyaal iyo aayad ka hadlay Jannada, Allaha naga yeelo ahalkeedee. amin

Furaha ( miftaaxa) Jannada

Furaha Jannada waa ( user name) ” Laa ilaaha ilal Allah, Muxammadun Rasuulullah”

Furaha Jannada ( Password) waa ” camalka saalixa ah oo la sameeyo, qofkaan camal saalixa ah sameysan, muftaaxa jannada uma furo.

Qofka ugu hor galaya Jannada

Rasuulka Allah , Muxammad SAWS, kadib markuu us shafeeco muminiinta.

Albaabyada Jannada

Waa siddeed

Albaabka Muxammad SAWS, oo la yidhaah albaabka tawbada

Albaabka Soonka, oo la yidhaah, albaabka Rayaan

Albaabka Sakada

Albaabka Sadaqada

Albaabka Xajka iyo Cumrada

Albaabka Jihaadka

Albaabka xidhiidhinta ( waalidka, qaraabada iyo wuxuu Allah faray in la xadhiidhsho )

Darajooyinka Jannada, iyo qolalkeeda

Jannadu waa darajooyin, waxaa ugu sarreeysa, Al Firdows Al Aclaa . wexeyna ku hoostaalla carshiga Raxmaanka Caza wa Jalla, oo ay ka soo burqadaan wabiyaasha jannada ee afarta waaweyn ah.

1. Wabiga Caanaha

2. Wabiga Malabka

3. Wabiga Khamriga

4. Wabiga Biyaha

Maqaamyada Jannada Firdowska

Firdouwska dhexdeeda waxaa ugu sarreysa Maqaamka la yidhaah ( Al Wasiilah) oo ah maqaamka Rasuulka SAWS, qofkii u barya Allah Rasuulka SAWS in maqaamkaas la gaadhsiiyo, wuxuu xaq u yeeshaa in Rasuulku SAWS uu u shafaaco qaado maalinka qiyaamaha.

Waxaa ku xiga qolalka ahlul Cilliyiin, oo ah daaro isdulsaaran, oo ka sameysan jawahirta qurxan oo qaaliga ah iyo dhagaxda ( Gems) oy hoostooda wabiyaashu durdurayaan. Maqaamkanna waxaa leh Nabiyaasha, Shuhadada, kuwa Dhibka iy cudurrada ku sabra, iyo kuwa isku jecel Allah dartiis.

Waxaa kaloo ku yaalla Jannada qolal ka sameysan jawaahir sida quraaradaha ( dhaloodhinka/ hiiraan accent
) ( Transparent) oo la iska dhex arko. Jannadaas waxaa leh

1. Qofkii hadal qurxan ku hadla

2. Masaakiinta cunnada ku sadaqeysta

3. Saqbadhkiina, markey dadka seexdaanna, u istaaga cibaabada Allah jeceyl awgiis.

Waxaa markaas soo hadhay darajooyinka boqolka ah oo dadka inta soo hadhay loo kala qaybiyo, qofwalba iyo wuxuu shaqeystay intuu noolaa. Waxaana ugu liita darajada qof leh hantida iyo maalka tobanka boqorrada aduunka ugu taajirsan ( Ten times the GNP of USA, Real Estate and Assets put together)

Magacyada Webiyaasha Jannada

Jannadu wexey leedahay webiyaal iyo ilo ( lakes) oo ka soo wada burqada afarta webi ee ka yimaada Firdows Al aclaa, waxaana ku soo arooray magacyadooda Quraanka waxaana ka mid ah:

1. Webiga Al Kawthar, waana webiga Jannada oo la siiyey Rasuulka Allah SAWS oo ay ka cabayaan Muslimiintu, maalinka xisaabta qiyaamaha, ooy kabban doonaan, kabbasho ayan dabadeed oomi doonin mahada Allah darteed, waxuuna Rasuulku SAWS ku shhegay webigaas in xeebtiisa ay ka sameysan tahay luulka qolofkiisa, ( Pearl Shells), carradiisuna ay tahay Misk, biyahiisana ay ka ka cadyihiin barafka ( snow), kana macaan yihiin sokorta, weealashiisana ay yihiin dahab iyo qalin.

2. Webiga Al Baydakh

Waa wabiga lagu kudo ( la dhex geliyo) shahiidiinta oo ay ka soo baxaan ayagoo u qurxan sida bisha habeenka caddaha ah, ayagoo ka bogsaday dhibkii adduunka ksu soo gaadhay Allah dartiis.

3. Webiga Baariq

Waa webi ku yaal albaabka Jannada, oo ay fadhiistaan shahiidiinta, oo loogu keeno risqigooda jannada, habeen iyo maalin walba

Ilaha Jannnada ( Lakes)

1. Isha Tasniim

Waa wax ay cabaan reer jannada waxa ugu sharafka badan jannada oo ka sameysan raxiiq al makhtum ( Ubaxa carfaya) ooy cabaan kuwa Allah uu soo dhoweeyey, waxaana loogo daraa Misk kuwa loo yaqaan asxaabul yamiin, waana meesha Allah dadka faray iney u baratammaan

2. Isha Salsabiil

Waxaan leh ahlul Yamiin, waana cabitaan lagu daray Zanjabiil.

3. Isha, Mizaajkeedu yahay Kaafuur

Waxaan leh Abraarta, waan cabitaan aan lagu sakhraamin, oon lagu madax wareerin ( Hang Over) oon caqliga qaadin, oo qofka caba ka farxisa farax badan ( Natural High) oonan ayadoo kale dunida oollin. Waxaana jooga wiilal mukhalladuun oo u eg luul la daadiyay, oo ku la wareegaya koobab dahab iyo qalin ah.

Cunnada Ahlul Jannada

1. Hilib, hilib shimbiraha, faakihada, iyo wax walboy naftoodu tabto.

Geedaha Jannada

Waa geedo tiirkoodu ( stem) ka sameysan yahay dahab, caleentooduna dhagaxda Zummurrudka qaaliga ah oo cagaaran, iyo jawahir.

1. Geedka Tuubaa

Wuxuu sheegay Rasuulku SAWS inuu geedkaas u egyahay geedka qumbaha, aadna u ballaadhan yahay, oo ay midhihiisu ka soo dhex baxaan dharka reer Jannada ay xidhaan, midho walbana ay ka sameysmato todobaatan dhar la xidho, mdabo qurxan ooayan arkin rer adduunka

2. Sidratul Muntahaa

Waa geed weyn oo ku hoos yaal carshiga Raxmaanka hoostiisa, oo xidikiisu ka soo burqadaan afata webi, waxaan ku dheehan Nuurka Allah SWT iyo malaaigta farabadan. waana maqaamka Sayyidinaa Ibraahim, CS, ooy la joogaan carruurta muslimiinta oo saqiirtay, oo ku dhgintay fitradii lagu uumay, asagoo u ah sidii aabbahood. Caleenta geedkaas waxaa ku yaal cilmiga uunka oo dhan, iyo wuxuusan ogeyn Allah mooyee SWT,

Midhaha Jannada

1. Al Tiin

2. canabka

3. Timirta

4. Gobka

iyo wax walboo Allah ku uumay dunida oo midha ah iyo waxan la oqoon oo cusub

Reer Jannaadka Xaalkooda

1. Ragga Ree Jannadka

Waxaa Alla soo saardi doonaa ragga reee jannadka ah ayagoo u eg aabbahaood Adam, ayafgoo qaawan, oo qurxoon oo indho kuulan oo cumrigoodana yahay 33 sano jir. Ayagoo leh quruxda Nabi Yusuf, qalbiga Ayyuub, iyo carrabka Nabi Muxammad SAWS. Ayagoo allah u dhameystiray, qurux iyo dhallinyaranimo, oonan dhimanin, oonan hurdin.

2. Haweenka Ree Jannaadka

Haweenka Jannada waa labo nooc

a. Xuurul Cayn

Waan uun Allah uu ku uumay jannada, oo loo uumay ree jannadka oo Allah uu ku mataalay Yaaquut wal marjaan, ama lul maknuun.

waa haween aad u qurqurxoon, carfoon, kor jilcan, hadii mid ayaga ka mid ahi ay soo qooraansato reer adduunka, wexey iftiimin laheyd adduunkoo dhan iyo wax dul jooga, muminkana waxaa sugaya kuwa aan la tirin karin oo ayaga ah.

b. Haweenka Ree Adduunka ee muminatka ah.

Kuwass waa boqorrada Jannada, waana ka sharaf badan yihiin, oo ka fadli badan yihiin, oona ka qurux badan yihiin Xuurul Ceynka

c. Wilasha

Waa uunka jannada oo ka adeega jannada oo da yar, oo u adeega reer jannadka, ayagoo la wareega cunnada iyo cabitaanka , mar walbana heegan u ah iney u adeegaan ahlul Jannada. Araggooda aad buu u qurxoon yahay taasoo farax gelisa reervjannadka markey ka qaadanayaan cuunada iyo cabitaanka

d. Dhasha Jannada Ku dhalata.

Dhashaani waa naxariista Allah siiyo dadka muslimiinta ah oo adduunka ku dhali waayey acrruur , haddey doonaan dhallan, Allah ayaa siiya carruur ahlul Jannah ah ooy ku farxaan, raxmaddiisa awgeed.

Allow naga yeel kuwa dhaxla Jannadaada, oo istaahila nicmadaada.

Allow naxariistaada nagu daji daaraheeda

Allow nagu arzaaq fardowska sare adigoo noo naxarisanaya haddanan ku sitaahilin camalkeenna, maxaa yeelay ma heyno camal na gaadhsiin kara Fardowka sare marka laga reebo jaceylka aan u qabno aragtida wajigaaga kariimka ah, iyo jaceylka Rasuulka SAWS na soo gaadhsiiyey hagar la’aan fartiintaadii oo kaamil ah

Mahad oo dhanna waxaa mudan Allah SWT.

Walaal, haddad u dirto dhambaalkan qof aad jeceshahay, wuxuu kuu noqon shafeec maalinka qiyaamaha.

Print this item

Lightbulb Abraham in Islam
Posted by: ayuub - 03-30-2017, 06:01 PM - Forum: About islam - No Replies

Abraham is called Ibrahim by Muslims. They see him as the father of the Arab people as well as the Jewish people through his two sons, Isaac and Ishmael (Isma'il in Arabic).


The Muslim story of Ibrahim


Abraham is a very interesting figure because he is depicted in the Quran as somebody who, from a very early age, had problems trying to understand God and trying to discover God; being restless, knowing that perhaps the Pagan environment which he was in did not have the answers. That, ultimately, God was not the star or the sun or the wind or the moon - all these forces that he saw - God was in something else.

And so from that perspective, Abraham is considered to be neither a Jewish person, nor a Christian  person nor a Muslim, but somebody who is a hernif - somebody who essentially and intrinsically knows that there is really only one God. And he is praised for this essential and innate yearning to discover the unity of God.

There have been thousands of prophets and numbers of messengers but there are only four or five that have been designated a specific title according to Islam: Jesus is one, Moses is one is one and the Prophet Muhammad is one but also Abraham, who is known as a friend of God.



Abraham had a specific allocation given to him by God, which is that from his progeny will be all the prophets and from them - for Muslims - comes Muhammad. But he does have a relationship with God: first of all he is baffled as to how he has a son at such a late stage through Hagar and then through Sarah.


The tradition of God testing Abraham's devotion to him by asking him to sacrifice Ishmael is the heart of the Abrahamic tradition and the Abrahamic stories. Abraham was the first Prophet who was asked for the ultimate sacrifice: "I want you to sacrifice your own flesh and blood for me". And he passed the test because he was prepared to do it, in his submission and devotion to God.


What are the stories told about Abraham in the Qur'an?

Many of the stories in the Quran hat relate to Abraham, Hagar and Ishmael are about their flights from Sarah and also about Abraham trying to set up another dwelling, another place with Hagar and his son Ishmael.

Print this item

Lightbulb The History Of Hajj
Posted by: ayuub - 03-29-2017, 07:22 PM - Forum: About islam - No Replies

History of the Hajj
Four thousand years ago the valley of Mecca was a dry and uninhabited place.
Muslims believe the Prophet Ibrahim (Abraham) was instructed to bring his wife, Hajira (Hagar) and their child Is'mail to Arabia from Palestine to protect them from the jealousy of Ibrahim's first wife Sarah.


Allah told the Prophet Ibrahim to leave them on their own, and he did so, with some supplies of food and water. However the supplies quickly ran out and within a few days Hajira and Is'mail were suffering from hunger and dehydration.


In her desperation Hajira ran up and down two hills called Safa and Marwa trying to see if she could spot any help in the distance. Finally she collapsed beside Is'mail and prayed to Allah for deliverance.


Is'mail struck his foot on the ground and this caused a spring of water to gush forth from the earth. Hajira and Is'mail were saved. Now they had a secure water supply they were able to trade water with passing nomads for food and supplies.


After a while the Prophet Ibrahim returned from Palestine to check on his family and was amazed to see them running a profitable well.


The Prophet Ibrahim was told by Allah to build a shrine dedicated to him. Ibrahim and Is'mail constructed a small stone structure - the Kaaba or Cube - which was to be the gathering place for all who wished to strengthen their faith in Allah.


As the years passed Is'mail was blessed with Prophethood and he gave the nomads of the desert the message of surrender to Allah.


After many centuries, Mecca became a thriving city thanks to its reliable water source, the well of Zam Zam.


Gradually, the people began to adopt polytheistic ideas, and worship spirits and many different gods. The shrine of the Prophet Ibrahim was used to store idols.

After many years, Allah told the Prophet Muhammed that he should restore the Kaaba to the worship of Allah only.

In the year 628 the Prophet Muhammed set out on a journey with 1400 of his followers. This was the first pilgrimage in Islam, and would re-establish the religious traditions of the Prophet Ibrahim.

Print this item