Thread Rating:
  • 0 Vote(s) - 0 Average
  • 1
  • 2
  • 3
  • 4
  • 5
Taariiqdii Dadka iyo Deegaanka Reer Gendershe
#1
HORDHAC


Mahad iyo amaan waxaa mudan mowlihii na abuuray, ku dayashana waxaa leh nebbi Muxamad(n.n.k.h).
Intaas kadib:

Buugan sababta igu kaliftay inaan qoro waxay tahay waxaa lumay taariikhdii soo jireenka ahayd ee ay lahaayeen Dadka iyo Degaanka Gendershe oo hadaba lumay qaar ka mid ah taariikhdaas sidaas daraadeed ayaan isku dayay inaan qoro buugan oo ah buug yar oo kooban.

Walaal hadaad ku aragtid wax qalad ah buugan igu kaalmee inaad i saxdid.
Waxaan u mahad celinayaa dadkii igu garab galay in uu soo baxo Buuggan iyo dadkii igu kaaalmeeyay hilitaanka taariikhda uu ka hadlayo buugan.



--------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

BILOWGII BUUGGA

--------------------------------------------------------------------------------------------------------------------



Deegaanwaynaha Gendershe waa deegaan ka tirsan degmada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose ee Dalka Soomaaliya.
Deegaanwaynaha Gendershe magaalada Muqdisho waxay u jirtaa 45km dhinaca xeebta.

waxay xuduud la wadaagtaa: Bari waxaa ka xiga tuulada Dhanaane Waqooyi waxaa ka xiga Dooxooyin yar yar oo aad u qurux badan, Galbeedna waxaa ka xiga tuulada Jilib-Marka, Koonfurna waxaa ka saaran Badwaynta Hindiya iyo Geedaha Qunbaha ee ku teedsan Xeebta iyo geedka loo yaqaan Showriga oo ay caanka ku tahay.

Magaca Gendershe waa magac asal ahaan kasoo jeeda wadanka iiraan, balse waaa dad asal ahaan kasoo jeeda Dalka yaman gaar ahaan gobolka Xadarmuud.

iminka waa Dad Soomaali ah waxaana Dalka Soomaaliya loogu yaqaanaa magacyo seddex ah oo kalla ah:


1-Shiiqaal Gendershe waana magaca ugu wayn.
2-Reer aw Garwayne.
3- Reer Cusmaan Faqi Cumar.


Qofkii ugu horeeyay ee degay Gendershe wuxuu ahaa nin wadaad ah oo la oran jiray Sheekh Cusmaan Faqi cumar(Aw-Garwyne) oo ay ku abtirsadaan Dadka degan Gendershe.

Sheekh Cusmaan Garwayne wuxuu guursaday Gabar reer Baraawe ah oo la oran jiray (BINTI) oo biida ah (waa gibil cadka Baraawe), Shiikha wuxuu dhalay seddex wiil iyo hal gabar waxaana ugu waynaa: 1- Maad-sheekh, 2- Ibraahim 3- Yaxye oo ku magac dheeraa (ISGOOWE). iyo 4- gabadha oo la oran jiray Barka.


Dadka deegaanka Gendershe ku abtirsada waa todobo juffo oo kalla ah:



1- Maad-sheekh 
2- Reer Ibraahim
3- Reer Isgoowe 
4- Reer Muraad 
5- Gaameedle 
6- Naakhude 
7- Mehri.



Sheekh Cusmaan Faqi Cumar (AW- GARWEYNE) aabihii Faqi Cumar waqxaa lagu dilay Xamar halka hadda loo yaqaano Masjidka Arbaca Rukun oo ku taal degmada Xamar wayne, waxaana lagu aasay meesha hadda uu ku yaalo Masjidka Marwaas ee degmada Xamar wayne.
Shiikha markuu degay Gendershe waxaa lagu qiyaasaa kun iyo konton[1050] sano ilaa iyo kun iyo boqol iyo konton[1150] sano ku dhawaad.
Hadaba waxaa xusid mudan in dadka ku noolaa Gendershe ay ahaayeen dad aad u neceb Gaalada iyo Gumaysiga aadna u jecel Islaamka, dadka deriskana aad u xushmayn jiray waxaana tusaale kaaga filan waqtigii gumaysiga Talyaaniga uu rabay inuu qabsado Marka iyo nawaaxigeeda waxaa ka difaacay Beelha Biimaaal iyo Shiiqaal-Gendershe oo wada deganaa Marka.

Beesha Shiiqaal-Gendershe iyo Beesha Biimaal waxaa ka dhexeeya Islaanimo, Soomaalinimo iyo weliba Derisnimo soo jireen ah.
Dagaaladii u dhaxeeyay Beelaha Biimaal iyo Shiiqaal-Gendershe oo dhinac ah iyo gumaystihii talyaaniga waxaa ay beesha Shiiqaal-Gendershe ku waysay dad badan waxaa ka mid ah sideed ruux oo meel ay jaan iyo cirib dhigeen la waayay balse waxaa la sheegay in loo diray Xarunta Daraawiishta ee uu hogaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan si ay uga helaan garab hiil iyo hooba leh.

Waxaan isku dayay inaan helo magacyada sideedaas ruux waana ii suurto geli wayday. waxaa in hoosta laga xariiqo mudan in dagaaladaas raggii hogaaminayay ay qaarkooda ahaayeen Shiiqaal-Gendershe.

waxay kalloo ka qayb galeen dagaalo badan sida kii u dhaxeeyay beelaha Biimaal iyo Shiiqaal-Gendershe oo isku dhinac ahaa iyo beelo fara badan oo deganaan jiray dhulka loo yaqaan (Dhoobooy) waxaana hogaaminayay beesha Goobroon oo uu madax u ahaa Suldaan Axmed Yuusuf.

waxay kalloo ka qayb galeen Dagaalo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin waxayna had iyo jeer ay is kaashan jireen Beesha Biimaal.
Walaal dib aan ugu noqono seddexda wiil ee uu dhalay Aw-Garwayne waayo? Degaanka Gendershe waagaa waxaa ku noolaa Shiikha iyo Xaaskiisa iyo seddexda wiil iyo walaashooda, hadaba waxaa is waydiin mudan seddexda wiil ee uu dhalay Aw-Garwayne naagaha ay guursadeen yay ahaayeen, maxayse dhaleen?.

1- wiilasha waxaa ugu waynaa oo curad ahaa (MAAD-Sheekh) wuxuu guursaday gabar u dhalatay beesha TUNNI wuxuuna dhalay seddex wiil oo kala ahaa: 

1- Sadiiq Maad-sheekh. 
2- Aw-nuur Maadsheekh.
3- Asad Maad sheekh oo aan isaga farac ka tegin.

2- Ibraahim oo ahaa wiilka labaad asagana wuxuu guursaday gabar u dhalatay beesha JIIDO wuxuuna dhalay seddex wiil oo la kala oran jiray: 

1- Ijeewo 
2- Sadiiq 
3- Macalin dheere.

3- Isgoowe oo ugu yaraa wiilasha asagana wuxuu guursaday gabar u dhalatay beeshe BAGADI, wuxuuna dhalay seddex wiil oo kala ah:

1- Maxamed Isgoowe 
2- Warre Isgowe 
3- Tamaan Isgoowe.

Waxaa sidoo kale mudan in aan laga tagin jufooyinka kalle ee ku abtirsada beesha Shiiqaal-Gendershe sida:
4- Aw-muraad oo ah wiilasha Adeerkooda wuxuuna dhalay seddex wiil oo kalla ah:

1- Abba Nuur 
2- Cusmaan 
3- Barakaat.

5- Gaameedle wuxuu dhalay afar wiil oo la kalla oran jiray:

1- Xaaji Wasaa'id 
2- Cabaas 
3- Aanis ,br> 4- Xaaji Amiin.

6- Naakhude wuxuu dhalay labo wiil oo kala ah:

1- Xaaji Maxamuud aw Waraabe 
2- Xaaji Xaramayn.

7- Mehri wuxuu dhalay afar wiil oo kala ah:

1- Maxamed Awsheekh
2- Mursal 
3- Xuseen 
4- Faqi Cabdi.

Waxaa in hoosta laga xariiqo mudan halyayadii u soo baxay Dadka iyo degaanka Gendershe in la xuso waxaana ka mid ah halyaygii waynaa isla markaana ahaa duqii ugu horeeyay ee magaalada Muqdisho Maxamed Sheekh Jamaal Cabdullahi (JAMAAL JEBIYE) iyo mucjisadii kubada cagta Soomaaliyeed Maxamed Xuseen Cali(Shiikhaaloow) iyo majaajilistaha wayn ee caanka ah Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (AWKOOMBE) oo ahaa mu'alifkii Riwaayada (XAMAREEY yaa arkay) iyo majaajiliistaha kalle ee asna caanka ah Jarlees Cadde iyo kuwo oo aan halkan ku soo koobi karin.

Dadka degaanka Gendershe noloshooda waxay ku xiran tahay Beeraha iyo Kaluunmaysiga. waxaa ka dhisnaan jirtay Dekad yar oo ilaa hada raadkeeda muuqdo waxaana ku soo xiran jiray doonyaha waawayn (xariin) waxayna keeni jireen Dharka, Raashiinka, Bagashka iwm ah, waxaana keeni jiray dad u kala dhashay Yaman, Cumaan, Masar, Iiraan, Giriig, Turki, Ciraaqiyiin iyo kuwo kalle oo fara badan, iyagana waxay ka qaadan jireen Subaga, Malabka, Kaluunka iyo Qumbaha.

Daka reer Gendershe waa dad looga danbeeyo farsamaynta macmacaanka sida Roootiga, Doolshaha, Buskutka, Xalwada, Sisinta, Baalbaalowga, Shuushuumowga iwm ah.

Beerahooda waxay ku yaalaan nambar lixdan, [No. 60]. Beesha Shiiqaal-Gendershe waxay u badan yihiin Dad culumo ah waxaana soo maray culumo fara badan waxaana ka mid ah:
Sheekh Maxamed Sheekh Axmed Sheekh Isxaaq, Xaaji Maxamed Awsheekh, Sheekh Axmed Jahbadane, Xaaji Aways aa Tamaan, Sheekh Jamaal Sheekh Cabdullaahi, Sheekh Maxamed Axmed (Heeji Hiiraan), Sheekh Cusmaan Maaroow, Shacadow aw Cumar(aw boqol jire), Aw Sheekh Axmadeey Macalin, Sheekh Axmed Maaroow, Sheekh Maxmed Sh.Cali, Xaaji Abuukar aw sheekh, Sh. Cabdi Maaroow, iyo Culumo kalle oo aan magacyadooda halkan ku soo koobi karin.

Dadka reer Gendershe ama u dhashay ama ku abtirsada waxay ku nool yihiin meelo fara badan oo dalka ka mid ah sida: Gobolkka Shabeelada Hoose oo dhan ayay degan yihiin iyo meelo ka oo kamida koonfurta Soomaaliya.

Beesha Shiiqaal-Gendershe waxay leedahay Ciyaaro Hiddo iyo Dhaqan u gaar ah tasoo ay ciyaaraan dumarka oo keliya waqtiga Guurka ciyaartaas oo lagu magacaaabo (Abaasa Guuloow) waxay kalloo caan ay ku yihhiin (xayeet) tasoo ragga u gaar ah.

Beesha Shiiqaal-Gendershe waxay ahaan jireen dad geesiyaal ah oo culumo ah,waxayna lahaan jireen hal hogaan oo midaysan, waxayna ahaan jireen dad kala danbeeya ha noqoto Duqowda, Dumarka, Culumada, Dhalinyarada iwm ah.


Fiiro Gaara:


wixii su'aalo ah waxaad waydiin kartaa ama wixii tallo ,tusaale iyo toosin ahba soo waydii qofka qoray buugan. 


http://www.gendershe.com
Waxaa Qoray: Ad-ham Amiinullahi Maxamed 
Email: ad-ham@...
[G-News]
+2521 5594571





Fadlan noola socodsii Hadii aad ku aragto qoraal aflagaado 
Ama qoraalada Caadiga ka baxsan qeebta Commentska Mahadsinidiin
Reply


Forum Jump:


Users browsing this thread: 2 Guest(s)