Thread Rating:
  • 1 Vote(s) - 5 Average
  • 1
  • 2
  • 3
  • 4
  • 5
Gorfayn buug: Masiibada Cagaaran
#1
W/Q: – Maxamed M Jaaj.
Muddooyinka danbe waxa soo ifbaxayay baraarug qoraal oo ku wajahan dhibaatooyinka bulsheed ee aynnu la noollahay haddii aynnu soomaali nahay. Waxa baryay waa cusub iyo cadceed lagu diirsado oo qalinlayda u sahashay in ay indhaha ku kala qaadaan, si dhiiranna  farta ku fiiqaan dhibaatooyinka nololeed ee innagu gaar ah iyo kuwa aynnu dunida kale la wadaagnaba.  Waa rajo cusub oo lagu gaadhi karo xalka kol haddiiba dhibta la aqoonsado. 

Mushkiladaha bulsho ahaan inna ragaadiyay waxa ka mid ah qaadka oo buugganna si xeel dheer  dibadda u soo dhigayo hagardaamooyinka uu innagu hayo.

Mawduuc  ahaan buuggu waxa uu la safanayaa kuwa hore oo si guud iyo si gaar ahba uga warramay masiibooyinka qaadka. Waxa uu se ku aroorayaa oo ku kaliyaysanayaa soo bandhigidda mid ka mid ah dhalanteedka nololeed (mirqaan) ee qofku ka dhaxlo cunista qaadka kaas oo aayihiisa danbe aan la mahadin. 

Waa arrin la gu farxo in aynnu haysanno qoraayo sidan ugu dhiirran in ay qalinka  ku tilmaamaan  mushkiladaha qaadka iyo kuwa la mid ahba. 

Waxa aan ku bogaadinayaa qoraagga dhiganahan, Maxamed-haykal sida uu isugu hawlay ee muruqiisa iyo maankiisaba ugu hagar baxay in uu ka qayb qaato ololeyaasha ka dhanka ah qaadka.

Markii uu isoo  gaadhay buuggani waxa aanu fahmay in aanu haba yaraatee ka hadlayn  wanaaag qaadka leeyahay, balse uu u ban baxayo sidii uu u soo bandhigi lahaa kharbudaada joogtada ah ee uu inna dhaxalsiiyay qaadku. Arrintaasna waxa aan ugu tegay gudaha dhigaalka.

Buuggan uu inna horkeenay Maxamed waxa uu ka kooban yahay laba boqol iyo lixiyo siddeetan xaashadood, oo u qaabaysan cutubyo kala horreeya. Sida magaca buuggaba ka muuqata midabkiisu waa cagaar. 

Labada wajahadood ee jaldiga kan hore waxa ku dhex sawiran qof qaad afka galinaya iyo geed qaadkii oo sii fiican u muuqanaya. Dushana waxa kaga qoran magaca dhigaalka “Masiibada cagaaran (maandooriyaha qaadka)” iyo magaca qoraaga dhiganaha.  Wajahadda kale ee jaldiga waxa ku xardhan afar meeris oo si kooban uga hadlaya nuxurka buugga iyo hadimada qaadka, SBN-ka  iyo cidda fududaysay.

Qaadku waxa uu ka mid yahay maandooriyeyaasha dadka soomaalida ahi caanka ku yihiin, dadyow badan oo dunida innagula noolina innagu aqoonsadaan. 

Waa maaddo aynnaan  ceebsan cunisteeda, meelaha qaarna lagaga faano,  oo qofka qaadka ruugaa ka yahay qof mudan. Masiibadan cagaaran waa dhib inta quudataa ee ku mamtay badantahay balse inta ka digaysaa yar tahay, saamayntooduna aanay badnayn. Waa aafo nusqaaminaysa garashada qofkana gayaysiinaysa liidnimo iyo horusocod la’aan. 

Waayadan danbe mar waan farxaa marna waa ka qiirooda qaadka iyo arrimihiisa. 

Mar waan farxaa: marka aan arko dadka oo dacwad, dood, suugaan iyo qalinba ku deedifanaya qaadka ummaddana uga nasteexaynaya dhibtiisa. Markalena waan qiiroodaa: marka aan arko qaadkii oo albaabka ugu galay maxastii (haweenkii iyo carruurtii). Waxa se yididiilo wanaagsan ku galinaysa xooga iyo garashada fayow ee mar walba u taagan in ay la dagaalanto qaadka oo ay ka mid yihiin dhiganayaasha qaad-diidka ah iska soo daba dhacaya.

Sida qoraaga buugguba ka afeeftay dhiganahani ma aha mid ka wada jawaabaya dhammaan dhibaatooyinka qaadka, laakiin waxa uu jawaab waafi ah iyo caddayn marag ma doon ah ka bixinayaa dhanka uu ka istaagay oo ah maandooriyanimada qaadka isaga oo daliil uga dhigaya maxsuulka kasoo baxa cunidda qaadka oo ah waxa aynnu u naqaanno mirqaanka. Mirqaanka oo ah  in qofku maandoorsoomo, isla markaana ka baxo xaaladda caadiga. 

Muqayilku waxa u xuubsiibtaa marxalad la mid ah marka qofku  isticmaalo maandooriyeyaasha kale. Taasina waxa uu qoraagu ku iftiiminayaa dhacdooyinka iyo ficiladda ka soo fulaya qofka marka uu mirqaamo.

 Buuggu waxa uu si xog ogaalnimo leh u soo gudbinayaa  dhanka uu xoogga saaray0o, oo ah  jiritaanka mirqaanka iyo darayooyinka nafsadeed iyo sharafeed ee muqayiliiinta ku. 

Waxa uu si deden  iyo si daalacanbba farta ugu fiiqaya hoos ahaanshaha qofkasta oo qaad ku mirqaamay.

Masiibada cagaaran  waxa kale oo uu si guud u dulmaryaa noocyada qaadka, cidda iibisa,cidda cunta, halbeegyada kala duwan ee loo iibiyo iyo inta si dadban iyo toos ahba ugu  xidhan. 

Waxa kale oo uu wax ka odhanayaa dariiqa ganacsi ee uu soo maro (distribution channel) illaa uu soo  gaadhayo qofka cuna. Nidaamka ganacsi ee qofba qof uga sii iibiyo iyo dhaqamada uu kaga duwan yahay ganacsiyada kale ee bulshada u dhexeeya. Xidhiidhka qalafsan ee  qofba, qof u ugu gudbinayo isaga oo aad mooddo in uu ku daagaalayo, Kasakaw waxa uu qoruhu inna tusayaa in aanu ahayn ganacsi ku dhisan ixtiraam iyo  maamuus  dhexmara  labada qof ee   kala  gadanaya.

Ninkii arkaybaa arkaye, dhaqamada qaadku ma aha kuwa caadi ah. waa caadooyin ka baxsan nooc kasta oo ganacsi. Qaylo, buuq sawaxan, is eryasho, is jiidh, foodhi, is riix,  iyo waxyaabo aad damiir diiddo  ayaad ku arkaysaa haddii aad in uun aragtay goob qaad la sugayay soo gaadhay. Markiiba garashadu waxa ay ku odhanaysaa tolow meesha miyaan dad fayoobi joogin.? Marka uu soo dhacana waa taa la kala boobay. Hadda boob, boob ah. 

Dhaygag ayaad dhabanada qabsanaysaa sida loo kala baacsanayo geed baaska isaga oon dhulkaba gaadhin.! Caleentaa cagaaran ee qaylada lagu soo kala jiitay ayaa gaadhaysa kii cuni lahaa, halkaana waxa ka muuqanaysa in aanu shay baraka leh ahayn sida qoruhu ku  xusayo.

Haddaba, haddii aynnu is yar dultaagno mahadhooyinka iyo waxyaabaha yaabka leh uu qorayo buuggu dhammaantood waxa ay inna siinayaan sheekooyin waaqic ah oo inna dul gaynaya nolosha been abuurka ah ee mirqaanka iyo sida loo caadaystay wax ay ahayd in aan la qariibsado. 

Waxa uu qoraaggu daaha uga faydayaa xaqiiqooyinka ku duugan mirqaanka. Si gaar ahna waxa uu innoo dul istaajinayaa hagardaamooyinka soo gaadha qofku marka uu xaaladda mirqaanka u banbaxo ee uu ka tago noloshii degenaanta ahayd. Riyo maalmeed aan raagin, qorsheyaal aan goobta lagala kicin, qaraw habeenkii ah, dayacaad nafeed iyo mid qoys ayuu inna horkeenayaa. Marka uu muqayilku mirqaamo waxa uu samayn karaa falal uu qawadi lahaa amma aanu ku kaceen  marka uu maankiisa qabo iyada aanay  muhiim ahayn nooca falka uu samaynayo iyo cidda uu ka hor samaynayo.

Haddii midkeen isaga oo maankiisa  qaba is qaawiyo waynnu la yaabnaa inta aynnu yaabi karno, qofkuna waxa uu dareemaa hoos ahaansho iyo khajilaad aan xad lahayn.  Xaalad qofku dharkiisa xoorayo, isagga oo miyir qabana huga tuuri karo  waxa la hayaa xaalad mirqaan, sida ku cad dhacdooyinka oo qoraagu innoogu soo min guuriyay buuggiisa iyo kuwa kale oo aynnu bulshaddeenna kala kulanno in badan. 

Halkaasi waxa aynnu ka qaadanaynnaa in qoruhu  ka guulaysanayo doodaha hadal tirada u badan ee lagu difaaco in mirqaanku yahay firfircooni iyo nashaad qof ahaaneed oo qofka hawl kar ka dhigi kara.

Dhinaca kale, dhiganahani waxa uu sii xoojinayaa dagaalada adag iyo doodaha hufan ee lagula jiro qaadka iyo muqayiliintaba. Waxa uu  guluf iyo garnaqsiba kaga adkaanayaa cid kasta oo kool koolisa korna ka yeesha  mirqaanka, isaga oo daliishanaya tusaalayaal iyo dhacdooyin nool oo uu ka xiganayo dadka ku bahaloobay qaadka isla markaana lumiyay maankoodii, miyirkoodii, xusuustoodii iyo sharaftoodii ay bulshada ku dhex joogeenba.

Sida aynnu inta badan aragno, dadka mirqaamaa waxa ay ku tookhaan in ay gaadheen marxalad ay nolosha mahadiyaan, kuna raaxaystaan, balse qoraagu waxa uu kala hor imanayaa dood ku lid ah, oo odhanaysa “ma gaadhin qofku raynrayn nololeed iyo mid nafsadeed toona, waxa uu  dhex dabbaalanayaa badwaynta darxumada iyo mala awaalka nololeed.  Hadhawna  waxa uu u qoolanyahay saxariir iyo waalli maskaxeed. 

Waxa uu iibsanayaa waalli isaga, oo miyirqabana wuu miyir qasmayaa. Mararka qaarna waxa uu xoorayaa sharaftiisa.” fahamkayga, akhriste ahaan waxa aan kula saftay qoraaga sida uu ugu  qancinayo darafka kale ee doodda ( macnaha cid kasta oo mirqaanka korraysiinaysa amma difaacaysa) cadaymo muuqaal iyo mid dareenba kuwaasi oo  naftooda kasoo fulay qayilaad ka dib, isaga oon meel kalaba  ka doonin.

Si jiritaanka mirqaanka iyo maandooriyanimada masiibadan cagaaran dooddeeda loogu wada qanco, qoruhu waxa uu markhaati gashanayaa tiro dad ah oo ajaanib ah. 

Waxa uu  innoo soo naqlinayaa sida ay uga dareen celiyeen mushkiladda qaadka. Ma aha dad soomaali ah, mana aha dad  qaad-cuna ah, balse waa dad damiir ahaan, akhlaaq ahaan, caafimaad ahaan iyo nadaafad ahaanba u qawaday dadka qaadka cuna iyo meelaha lagu cunaba markii ay yimaaddeen dhulka soomaalida. 

Dadkan uu qoraagu sida tooska uga warsaday dhacdooyinka ay la kulmeen intii ay ku sugnaayeen gayiga soomaalida waxa ay dhammaantood ku kala baydhi waayeen sida ay uga argagaxeen ummaddan sida xoolaha u cunaysa caleenta, haba cunaane aan hammi kale ku darayn. 

Dadkaasi waxa kale  oo ay dareem yididiilo xumo ka bixinayaan halka uu ku danbayn doono hammiga dadka sidan ugu foogan hadh iyo habeenba cunidda qaadka. Halkaana waxa innoogu caddaatay in qaadku yahay ceeb, dad aynnaan isir iyo abtoona wadaagin innagu ceebsadeen, innagu dhaliileen innaguna liideen, heer ay qaarkood ducooyin innoogu yabooheen. 

Hafid, oo ah shakhsiga saddexaad ee uu qoruhu sida tooska ah ula  kulamayo, ayaa  ku daray hadalkiisa duco uu ilaahay uga tuugayo dadka soomaalida  in mar uun Rabbi ka samata bixiyo geedkan dullaystay.

Mirqaanka iyo riyo maalmeedka ka dhasha cunidda qaadka marka laga yimaaddo, waxa kale oo jira dagaallo  ba’an oo habeenka lagu qaado qaar ka mid ah dadka qaadka  cuna. Dubaab, waa arrimaha kale ee aadka u la yaabka badan uguna cajiibsan mushkiladaha qaadka. 

Dubaabka iyo dagaalada uu ku hayo marka ay muqayiliintu hurdo dhabanka dhigaan waxa uu qoraagu ku ururiyay  cutub ka mid ah buugga, kaas oo qaab qisooyin ah u taxaya. Waa mahadhooyin aynnu ka dheehan karo in muqayiliintu gabi ahaanba nolosha ku dhibban yihiin. 

Haddii ay hurdaan dubaabbaa baacsanaya, haddii aysoo jeedaanna mirqaanbaa meel baas kala dhacaya oo maandoorinaya.
Markale qoruhu waxa uu masaafo geel daaq ah innaga tusayaa in aan qaadku ku koobnayn dalka iyo deegaanka ay soomaalidu degto balse uu ka tallaabay xuduudaha. 

Waxa uu si maraakhtiyaysan innoo horkeenayaa in qaadku gaadhay meel kasta oo Soomaali joogto gaar ahaan waddamada Yurub, Ameerika iyo waddama Carabta. 

Tusaale ahaan, wadanka Ingiiriska oo ah wadamada aadka looga dareemay cunista qaadka waxa dhawaan si tooska looga joojiyay in qaadku soo galo inkasta oo uu marka horeba ka ahaa maandooriye aan laga ogolayn cunistiisa. qoruhu  waxa kale oo uu innoo caddaynayaa in  dunida intooda badani isku raaceen maandooriyanimada qaadka, shuruuc adagna ka leeyihiin. Qofka lagu arkana uu ku mutaysanayo xadhig, mustaafurin iyo ciqaabo kala duwan.

Qaybaha ugu muhiimsan dhiganahan waxa ka mid ah cutubka suugaanta ka waramaysa qaadka. Hal abuurku waa seef  afwayn, bulshadana wax wayn u goyn kara. Ammaan iyo dhaliilba waxa ay  qaab murtiyeed ugu soo bandhigi karaan abwaanadu shayga ay markaa ka hadlayaan.   

Quluubta dadkana waxa ay  ku abuuri karaa in shaygaa la naco amma la jeclaado marka uu ka maansoodo.  Dhammaan suugaan yahanka  buuggu inala wadaagayaa waxa ay ku cabbireen suugaan meel dhaw iyo meel dheerba ku dhacaysa oo ka dhan ah qaadka iyo darxumadiisa nafeed. 

Waxa aanay si hagar la’aan ah bulshada uga digayaan qaadka iyo quudashadiisa iyaga oo taxaya duruufaha iyo dib u dhaca uu qofka gayaysiinayo. Waa waajib ka saaran ummadda in ay uga digaan dhibaatooyinka uu qaadku ka mid  yahay. 

Haddaba inta aynnaan abbaarin googoos ka mid ah suugaanta uu buuggu inala wadaagayo, bal aynnu inyar dhanka kale ka istaagno sida mararka qaar abwaanno soomaaliyeed u ammaaneen qaadka ugana dhigeen quud sharfan.

Qaar ka mid ahi waxa ay  bogaadiyaan qaadka iyaga oo af suugaaneed ku sarraysiinaya. Tusaale ahaan waa kii abwaanku  lahaa “Qayilaaddu waa raaxo uu qabo nin haystaaye”. 

Markale abwaan ka mid ah dadka gar iyo gardaraba difaacaya qaadka, ayaa ku muusoonaya in aan guuli dhawayn inta qaadku innagu gabaabsi yahay. waxa uu yidhi:
Gindhigiyo illaa aan u tago Adari guudkeeda
Oo geedka laantiisa wayn aniga lay gooyo
Beeruhuu kasoo go’ay illaa aniga lay geeyo
Intuu haatan dabagoosi yahay guuli waa maqan.!
Bal aynnu soo qaadano googoos ka mid ah gabayada buugga ku xusan. Waxa aan ka soo qaaday baydad ka mid ah suugaanta ridada dheer ee lagu ganayo qaadka. Inkasta oo gabi ahaanba suugaanta uu qoraagu soo xushay tahay labeentii hubka abwaananada kula dirireen qaadka, haddana waxa aan kasoo dheegtay meelaha aan u arkay in ay tahay wad-suugaaneedkii dilili lahaa qaadka. Waa kuwan iyaga oo kookooban:
Maanigaa intaan qaadka cuno, qaaxo lacag siista.
Maanigaa shaxaad qabatimoo, ceebta qurux mooda.
Maanigaa is wada qaawiyoo, quba xishoodkoo dhan.
Maanigaa marwada aan qabiyo qadiya xaaskayga
Qoraxdii dhacdaba maanigaa, qaan ka bixi waaya.

Abwaan cabdi waaxid.
Haw qaadan quud awliyoo, qaadir soo rogaye
Wa quud iblaysiyo sun aan, laga qaraarayne
Qamro iyo in uu sida xashiish, qaranka aafeeyay
Waa waxa ay qolyaha iibiyaa, qaaqda la hayaan.

Abwaan Axmed Qorane.
Qamrigiyo barjuhu waysku nooc, qudhun xashiishkiiye
Qalbigay dhammaan dooriyaan,oo qayirayaane
Isla qaala waynaan riyaad, qiira dhama’daaye
Qalcad baad dhisaysaa, dhulaan qoriba taagnayne
Qubashada nimcadu kaaga daran, taad qajililayde
Ee ay qadiijina ninkow quusta la hogoogan
Intuu reero geedkaasi qubay, qalin ma koobeene.
                                         
Abwaan Faysal Canbalaash.
Dubaab aan la aragiyo dhiqlaa, diirka kaa xuliye
Balo aan la daalacan ayaad, dila tidhaahdaayee
Waar duqii ma waashay ku odhan, dariska kuu dhaw’e
Jin intaan dagaalami lahayn, maan iskaba daayo.
si gaar ah abwaan Maxamed Dagaafe Cilmi waxa uu uga warramayaa inta uu hadimo qaadku leeyahay. Waxa uu naftiisa ugu sheegayaa tixdan gabayga ah inta uu qaad iyo meel xun u dulloobi lahaa in uu iska daayo sida gabaygiisa ka muuqata. Waxa uu naftiisa u huga tusaalaynayaa intii qaadku liidasho iyo quudhsi u loogi lahaa in uu iska daaya. Ugu danbayn waxa uu ku soo afmeerayaa “maan iskaba daayo”.
Qorshe iyo dedaal uma hirgalo, ruux qayilayaaye
Qabyo kama baxoo talada waa, lagu qalloocshaaye
Qiimaha naftaadu dilaa, qaabka nololeede
Qalcad baad dhistaa meel cidla ah, qaarad aan jirine
Qardaas adiga oon haynin baad, qani si moddaaye.
                                                        
Abwaan Jaamac F.N.
 Intuu qoys waxyeelaa ka badan, qudhacda waawayne
Qoonsimaadku wuu badan yihiyo, qaadiga I geeye
Qorraxdii dhacdaba waxa ku duma, qoysas fara wayne
Quluub nolol wadaagtaaba way, kala qatoobeene
Qofkastoo bartaba waxa la yidhi, qoomama u taale
Qasaaraha uu qaadku leeyahaan, qalin dhammaynayne.
                                                  
Abwaanad Ifraax Maxamed C/laahi Ciro.
Wax sheeg iyo waano la is yidhaa waxa ugu mudan, ugu dhega nuglaan badan, ugu raagi og, uguna dhawaaq dheer mid sugaaneed gabay iyo geeraarba. Qoruhu waxa uu soo naqeeyay suugaan sida duufaanta u xaaqaysa qaadka, dadkana si dareen iyo lexejeclo ku jirto ugu digaysa lurtiisa.

Cutubka ugu danbeeya waxa uu qoruhu ku soo bandhigayaa xukunka shareecada iyo qaadka. Waxa uu si qoto dheer uga warramayaa xaaladaha kala duwan ee ay soo mareen doodaha diineed ee  lagu faaqiday xaaraantinimada dhinaca shareecada ah ee geedka, isaga oo soo naqlinaya fatwooyinkii ugu danbeeyay ee culimada islaamku isku raaceen in aanu xalaal ahayn quudashadiisuna bannaanayn. 

Waxa kale uu inala wadaagayaa qodobada loo cuskaday masalada xaaraantinimayntiisa. Si faahfaasan waxa uu u mid mid u tafniidayaa meelaha islaamku ilaaliyay ee geedku sida tooska ah u dhooqaynayo isaga oo daliishanaya nusuus diineed iyo masalooyin fiqi ah oo looga xukun qaadanayo.

Sida aynnu ognahay shaqo kasta oo la qabanayaa waxa ay yeelan kartaa dhalliil iyo qallooc gadaal kasoo bixi kara. Markasta oo dhalliili timaaddana in dib loo saxo ayay hawshaasi ku sii qurux badataa. 

Ka akhriste ahaan intii aan buuggan iyo akhriskiisa dhex mushaaxayay maan arag wax gal daloolooyin ah oo dhanka gef qoraalka, naxwaha, dhigaalka erayada iyo astaamaynta hadalkaba ah oo aan halka idinkula wadaago. 

balse haddiiba ay I hoos martay waxa aan u dhaafayaa akhristeyaasha kale ee ila akhriyi doona in ay qoraaga usoo bandhigaan wixii ay ku arkaan. Waxa aad moodda in buugga aad loo saxar tiray, qoraaga iyo inta kala qayb qaadatayna ay masuuliyad farabadan iska saareen xeersanka afsoomaaliga iyo farshaxanimadiisaba.

Ugu danbayn dhiganahan iyo inta ku abtirsataaba waxa ay u taagan yihiin caroogyada isa soo taraya ee dhawaaqyada digniinta ah bulshada loogu gudbinayo. waa fagaarayaal lagala hadlaya inta qaadka cunta, inta aan cuninna looga digayo dhibteeda iyada sawir buuxa laga siinayo nolosha muqayiliinta iyo waxa mashaqo ku ururtay.

Jaaj993@gmail.com           
Abril 23, 2016
Reply


Forum Jump:


Users browsing this thread: 1 Guest(s)