Qore: Naimo Yasin
Taariikh: 29 Oktoobar 2025
Soomaaliya waa dal muddo dheer wajahaya caqabado dhanka amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ah.
Iyadoo dagaallo iyo burbur dhaqaale ay dalka ragaadiyeen tobannaan sano, haddana shacabka Soomaaliyeed waxay muujiyeen adkaysi, halgan iyo rajo aan dhamaanayn.
Su’aasha maanta la is weydiinayo waa: dunida maanta halkee ayay Soomaaliya kaga jirtaa?
Xaaladda Amniga iyo Siyaasadda Gudaha
Sanadihii u dambeeyay, waxaa jiray dadaal xoog leh oo lagu xoojinayo dowladnimada iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab, hase yeeshee xasilooni-darro siyaasadeed ayaa mararka qaar hoos u dhigta horumarka la gaaray.
Isqabqabsiga siyaasadeed ee u dhexeeya maamul-goboleedyada iyo dowladda federaalka ayaa mararka qaar saameeya kalsoonida shacabka iyo qorshayaasha amniga.
Si kastaba ha ahaatee, ciidamada qalabka sida iyo taageerada bulshada ayaa marba marka ka dambeysa muujinaya karti iyo awood lagu difaaco dalka, taas oo ifafaale u ah mustaqbal amni oo deggan.
Dhaqaalaha iyo Fursadaha Horumarka
Soomaaliya waxay leedahay kheyraad dabiici ah oo aad u badan, sida badda, xoolaha, kalluumeysiga, iyo dhul beereedka. Si kastaba, dhaqaalaha ayaa weli wajahaya dhibaatooyin la xiriira amni la’aanta, sicir-bararka, iyo maalgashi xadidan.
Dhalinyarada Soomaaliyeed, oo ah in ka badan kala bar shacabka, ayaa ah xoogga ugu muhiimsan ee horumarinta dalka.
Haddii loo abuuro fursado shaqo, waxbarasho iyo hal-abuur, waxay noqon karaan furaha kobaca mustaqbalka.
Doorka Soomaaliya Ee Dunida Caalamka
Dhinaca diblomaasiyadda, Soomaaliya waxay dib ugu soo laabanaysaa masraxa caalamiga ah.
Dalalka gobolka iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa dib u eegaya xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, iyadoo lagu dhiirrigelinayo madax-bannaani siyaasadeed iyo iskaashi dhaqaale.
Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaraysaa ururrada gobolka sida IGAD iyo Midowga Afrika, taas oo muujineysa in Soomaaliya mar kale u socoto dhabbaha dib-u-soo-kabashada.
Rajada Mustaqbalka
Inkasta oo caqabado badan ay jiraan, haddana waxaa muuqda raysal rajo cusub — dhalinyaro firfircoon, bulshada rayidka oo cod leh, iyo suugaan iyo hal-abuur sii noolaanaya.
Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku xirnaanayaa sida hoggaamiyeyaasha iyo shacabka ay isugu yimaadaan si loo dhiso qaran ammaan ah, cadaalad iyo horumar leh.
Gunaanad
Soomaaliya maanta waxay taagan tahay meel kala guur ah — meel u dhaxaysa burburkii shalay iyo rajada berri.
Dalkeenna wuxuu leeyahay awood uu dib ugu dhiso naftiisa, haddii la isku duubmo oo la joojiyo kala qeybsanaanta iyo danaha gaarka ah.
Xasiloonida Soomaaliya waa xasiloonida Geeska Afrika — iyo midda dunida guud ahaan.